20 sano kadib qaadashadii habka federaalka Soomaaliya – Yaa ku faa’iiday?

Sanadkii 2004-tii ayay ahayd markii lagu heshiiyay in Soomaaliya ay qaadato nidaam federaal ah.

20 sano kaddib qaadashadii nadaamka fadaraalka ee Soomaaliya waxaa muuqda arrimmo badan oo u baahan iftiimin.

23 Febaraayo 2004 shirkii Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi ayaa lagu ansixiyey is-beddel lagu sameeyey axdiga KMG ah ay ku dhaqmi doonto dowladda la sameyn doono shanta sano ee soo socota taasoo noqonaysa dowlad federaal ah.

Agoosto 2004 waxaa la doortay Baarlamaan; Aktoobar 2004 wuxuu baarlamankii doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee dowladda fedaraalka Somaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

10-kii Sano ee ugu horreeyay waxaa hirgalay qaab dhismeedka maamul gobaleedyo ku dhisan nadaamka fedaraalka ah ee Soomaaliya, shuruuddu tahay in maamul ka kooban yahay 2 gobol oo buuxa ugu yaraan. Habkan wuxuu yeeshay macne hoos kasoo dhisid oo kor u dhisid ah muuqaalka guud.

Dastuurkii kumeel-gaarka ahaa ee federaalka waxaa markii kowaad lagu xadgudbay markii heshiis siyaasadeed lagu beddelay qaab dhismeedka maamul goboleedyada kaddib markii la dhisay maamul aan buuxin qodobkii lagu dhisayay.

2016-kii waxaa la aas-aasay aqalka sare oo ku yimid habka fedaraalka (Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka) waana ilaaliyaha federaalka iyo iska haynta dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka.

20 sano kadib Puntland oo keliya ayaa xaqiijisay laba talaabo oo mihiim u ah nadaamka federaalka ee ku dhisan baahinta iyo daadejinta awoodda iyadoo la dhisay gole degaan oo ay soo xuleen odayaasha 2007-dii.

Sanadkii 2023 iyo sanadkan 2024 waxaa samaysmay goleyaal degaan ay soo doorteen dadku inkastoo la isku qabtay markii hore habka doorashadu golayaasha degaanku u qabsoomeen.

20 sano kadib waxaa muuqata habka fadaraalku inuu magac ahaan u jiro maadaama uusan ka muuqan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah maamul daadejin dhab ah oo waafaqsan nadaamka federaalka oo maqan awgeed.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa masuuliyad saaran inay dhowraan hannaanka dowlad dhissidda heer qaran iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay ku dhaqmaan hishiiskii bulsho ee ay ku dhaarteen uguna adeegaan si hufnaan iyo daacadnimo leh.

W/Q: Siyaad Cali Jaamac
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.