5 waxyaabood oo Qatar ka saacidi kara inay ka guuleysato xulufada Sacuudiga

Doha (Caasimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa heyso awoodo, lacago iyo badalo kala duwan oo ay isaga celin karto dowlaha go’doominta saaray.

  • Lacag Badan iyo Maalgelin Shisheeye

Dowladda Qatar ayaa leh awood maalgelin oo gaareyso ilaa 370 Billion oo Dollar, waxaana jiro santuuqa maalgelinta dowladda Qatar  oo adduunka kaalinta sagaalaad kaga jiro, midaasna waxay ka saacdi kartaa inuusan hoos u dhicin dhaqaalaheeda, waxayna Qatar santuuqaan sameysatay sanadkii 2005, waxayna ugu talagashay in lagu maamulo naftada iyo gaaska daabiciga ah iyadoo uga gol laheyd inay isaga yareyso halista ah in dowladda ay ku tiirsanaato soo saarta Naftada, waxayna lacago badan ku maalgashatay suuqyo caalami ah oo ay kamid yihiin kuwa ku yaal Mareykanka, Yurub iyo dowlado Aasiyo ku yaal.

  • Gaaska

Dowladda Qatar waa  dowladda sedexaad ee ugu soo saarka badan Gaaska dabiiciga ah, waxayna heysataa 14% oo kamid ah gaaska keydka daabiciga ah ee Caalamka sida lagu sheegay warbixinadii ugu dambeeyey, midaasna way ka saacidi kartaa inay dowladaha Khaliijka ka maaranto isla markaasna ay Gaaska u iib geyso dowlado kale.

Sidoo kalana waa dowladii ugu horeysay ee soo saarto isla markaasna dhoofiso gaaska loo yaqaan Helium, waxayna sanad kasta soo saartaa laba Billion oo cubic feet ah, Waana dowladda ugu horeyso caalamka ee dareeraha Condensate soo saarto 800 Kun oo Birmiil maalin kasta.

3) Kala duwidda ganacsigeeda Dibadda

Dowladda Qatar ayaa awood u leh inay kala duwdo ganacsigeeda dibadda sidoo kalana ay soo jiidato suuqyo kala duwan oo caalamka ku yeela, sida ay horeyba u sameysay markii ganacsiyo la wadaagtay dowladaha Turkiga, Iraan, dowlado ku yaal Aasiya iyo kuwa Carbeed si ay isaga difaacdo xayiraada la saaray.

Shirkadaha dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa daaboolay baahiyada Qatar ee alaabaha muddo aan ka badneyn 12 saac, waxayna Qatar heysataa dakado iyo hawo ay ku qaabisho alaabaha maalgeshiga ah oo ay dowladahaas keenayaan  Qatar.

4) Caadifad Shacbiyadeed

Dowladda Qatar ayaa shacbiyad badan ku leh shacabka Carabta, markii ay si aan gambasho laheyn u garab istaagtay qadiyadda Falastiin, waxayna shacbiyadaas inteeda badan ku heshay TV-ga Aljazeera oo si ay adduunka u wada jeedaan u garab istaagay shacabka Falastiin iyo Ururka Xamaas, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inay uga hortagto xayiraada ay dowladaha Carabta Saareen maadaama shacabka Carabta intooda badan ay taageersan yihiin Dowladda Qatar.

5) Saldhigga Turkiga ee Qatar

Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ku leh dalka Qatar, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inaan dalka Qatar lagu soo fududaan, waxayna dhawaan Baarlamaanka Turkiga isku raaceyn in Ciidamo dheeri ah la geeyo saldhigaas, Turkigana waxay ku qasban tahay inay Qatar maalgelin ku sameyso maadaama iydaba loo ogolaaday inay halkaas saldhig ka sameysato, waxayna Turkiga bilowday inay alaabo kala duwan u dhoofiso Qatar si ay uga maaranto dowladaha Carabta ee go’doominta ku haayo.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com