“XOG”: Baarlamanka Somalia mise Baarlamanka Ingiriiska?

Bismillaah, Dalka Masar ayaa sanadkan dooraashadii ka dhacday waxaa loo diiday in uu ka qeyb qaato mid kamid ahaa musharaxiinti ugu cadcadeed doorashada, sababta lagu fogeeyana waxey aheyd in HOOYADII oo geeriyootay ey horay u heysatay sharciga daganaanshada mareykanka, sidaa darteed ayaana loogu diiday in uu wadanka xil sare ka qabto.

Dalkeena Soomaaliya waxaa ka jirto xaalad ka duwan midaa aan kor kusoo xusnay, qofka doonayo in uu xil qabto wuxuu ku faanaa in uu heesto jinsiyad wadan kale, toban eray marki uu ku hadlo sagaal kamida waa af qalaad, ingiriis ama talyaani, wuxuu isku dayaa in uu muujiyo in uu ku hadlo luqad caalami ah, waxaana aamin sanahay in uusan khalad ku laheyn asagu, balse khaladka ey leedahay cidi ku qadarisa.

Marki aan eegno heykalka golaha shacabka Soomaaliyeed uu ku dhisanyahay waa heykal baqdin galinaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, inta badan xilibaanada cusub waxey horay ugu dhaarteen dalal kale in ey si daacad ah ugu adeegayaan, waxey saxiixeen warqado badan si ey u qaataan jinsiyado wadaman ajaanib ah, maantane waxey ku dhaarteen in ey u adeegayaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo cabsi badan la qabo ayaa hadane la’ismoogeysiiyay oo danaha umada laga hormariyay, sidaas ayeyna ku noqdeen hey’ada ugu sareysa dowlada.

Doorashooyinkii madaxtinimada dalka waxey abuurtay shakiyo badan oo ku wajahan baarlamaanka, waa kee shidaalka ey ku dhaqaaqaan, yaa farta ugu fiiqay go’aanka ey isla wada qaateen, sidaas oo ey tahay hadane dadka oo idil waxey u oomanaayeen dowladnimo oo waa lasoo dhaweeyay go’aanadi ey gaareen.

Balse warki hore war soo dhaaf, xilibaandu kuma hadlaan afka Soomaaliga, mana fahmaan, gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa kulankii ugu dambeeyay ka sheegay in ey xilibaanada codsadeen in xeer hoosaadka baarlamaanka loogu tarjumo luqadaha carabiga iyo ingiriiska, dalabka qeybtiisa hore waa mid dastuuri ah, mana khaldana, waayoo luqada carabiga iyo tan Soomaaliga waa luqadaha rasmiga ah ee dalka sida ku cad dastuurka, balse waxaa fajiciso noqotay in xilibaan Soomaaliyeed uu yiraahdo afka Soomaaligaa ma fahmo ee English wax la’iigu sheego, taana waxey kor u qaaday baqdinti laga qabay gabi ahaanba golaha shacabka.

Soomaaliya waxaa si rasmi ah hogaanka ugu haya laba jinsiiladle aanan la hubin jinsiyada uu daacada u yahay, arimahaane waa in shacabku wacyi buuxa ka heestaa, hadii dastuurka Soomaaliya uusan xad u yeelin cida qaban karta hogaanka dalka ugu sareeya, waxaa ka dhalan karto cawaaqib xumo, waayoo lama hubo qofka sodon sano ku noolaa galbeedka waxa qalbigiisa ku jira iyo cida uu daacada u yahay.

Sida ku cad dastuurka Soomaaliya muwaadinka Soomaaliyeed waa loo ogolyahay in uu qaato jinsiyad kale, loomana diidana in uu xil ka qabto dowlada, BALSE waxaa lagama maarmaan ah in loo yeelo xad, sida in sadaxda masuul ee ugu sareysa dalka eysan qabanin cid aanan aheyn Soomaali barax tiran, halka qofka doonayo in uu kamid noqdo golayaasha kale ee dowlada lagu xiro shuruud adag sida in uu si sax ah u yaqaano afka Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida iyo diinta islaamka, sidaa waxaa looga badbaadi kara in dalkeena laga maamulo meel aanan dareensaneyn.

Wabillaahi towfiiq 
W/Q Axmed Xalaal
Caadle2@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.