Holland oo xabsi dhigtay wasiir xil muhiim ah ka haya Turkiga

Istanbuul (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Holland ayaa xabsi dhigay Wasiirka arrimaha qoyska ee dalka Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya.

Ciidamada ayaa Wasiirada xiray xili ay dooneysay in khudbad ay u jeediso boqolaal ruux oo Dibadbax ka dhigi lahaa magaalladda Roterdam kuwaa oo muujin lahaa taageerida Erdogan.

Qaar kamid ah Saxaafada dalka Holland ayaa sheegay in Wasiir Fatma Betul Sayan Kaya ay dhinaca dhulka ka soo gashay dhinaca dalka Jarmalka, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii Dowladda Holland ay shalay dalkeeda u diiday inuu soo galo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga.

Ciidamada amaanka ayaa Wasiirada u sheegay in shaqsi ahaanteeda aan laga jecleyn dalka Holland, waxa ayna ku tilmaameen inay tahay Haweeney ka gudubtay xadka sharciga.

Ciidamada waxa ay sheegen in Wasiirada dib loogu celin doono dalka Jarmalka, iyadoo la marin doono wadadii ay kasoo gashay dalka Holland.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya dalka Holland waxa uuna ku baaqay in shacab weynaha Turkiga ay kala gartaan cida u wanaagsan iyo cida u xun.

Talaabada ay Dowlada Holland ku xirtay Wasiirka arrimaha qoyska ee dalka Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa xasarad Diplimaasi ka dhex oogtay labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
Caasimada@live.com