Berlin (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa ku baaqay in dowladda Qatar laga qaado xayiraada la saaray taasoo uu ku sheegay inay tahay mid aan macquul aheyn oo aan la qaadan karin, wuxuuna hadalkaan ka sheegay markii ay shir Jaraa’id kasoo wada muuqdeen isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa sheegay in xiisadaan ay saameyn weyn ku yeelan karto Bariga dhexe isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in xal deg deg ah laga gaaro, isagoo ku dhawaaqay inay Carabta dhibaato ugu filan tahay dagaalada ka socdo Siiriya, Yeman, Ciraaq iyo Liibiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlayay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qatar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha “badda iyo cirka” ee Qatar lagu soo rogay.
Wuxuu tilmaamay in xayiraadda la saaray dalka Qatar ay saameyn dhaqaale oo weyn ku yeelaneyso ganacsato kasoo jeedo Jarmalka oo ganacsi buuxa ku leh dalkaas iyo shirkado waaweyn.
Wuxuu sheegay in Markii dowladaha Yurub ay diideen wadahadal ay dhaceen dagaaladii koowaad iyo labaad ee adduunyada, haddana ay lagama maarmaan tahay in cashir laga qaato arrintaas, isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa.
Qatariyiinta ayaa diiday eedaha ah inay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.
Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qatar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo arrinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com