Soomaaliya ma waxay la safatay Qatar, maxaase qabsaday waftigii Sacuudiga ee tagay Xamar?

Wafdi ka socda boqortooyada Sacuudiga ayaa tagay Xamar horraantii todobaadkan si Somaliya loogu sheego inay xiriirka u jarto Qatar.  Wafdigaas waxaa uu safiirka Somaliya u fadhiya sacudiga Dahir Maxamud Geelle uu u sii shegay inay Somaliya ka soo heli doonaan waxa ay rabaan, hasa yeeshee waxay kala soo noqdeen ballanqaad aan la fulin, keenayna inuu wafdigi Sacuudiga markii ay ku soo laabteen Sucuudiga  loo sheegay inay Somaliya soo saartay warqad ay ugu shegeyso labada dhinac ay khilaafka wadahal ku xaliyaan, taas oo Sucudiga uga dhigan inay Somaliya si toos ah ula safatay Qatar maadaama aysan sameyn wixii ay sucudiga ka rabeen oo ahaa iany xirirka u jarto Qater oo xataa dayuradheeda oo beryahan isticmaalayey hawada Somaliya laga joojiyo. Lama joojin, xiriirkana looma jarin sidoo kale agaasimaha Guud ee madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin ayaa hadda ku sugan dalka Qadar.

Dadka Somaliyeed badankooda waxay u arkeen in tallabada ay qaaday Somaliya ay tahay  mid u wanaagsan dalka, hasa yeeshee dadka siyaasadda u dhuun daloolaa waxay sheegeen inay Somaliya gashay xaalad adag oo ay Qadar la safatay maadaama aysan  fulin codsigii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ahaa inay xiriirka u jarto Qadar.

Sucuudiga iyo xulafadiisa (Imaaraadka, Masar, iyo Baxreyn) waxaa ka go’an in Qadar la go’doomiyo oo xataa sacudiga ay ku hanjabeen inay qaadayaan tallaabo adag oo ay dhici karto inay ciidan adeegsi gaarto.

Waxay xulufada soo saareen liis ay ku qoran yihin ilaa 59 qof iyo 12 urur oo ku jira ururda xagjira ee mamnuucan inay shaaciyaan, kuwan oo ka jira dalka Qadar, waxayna shegeen in liiskan ay soo dhameystiri doonaan. Xulufadaan waxay sheegeen inay ka go’an tahay in dhidibada loo siibo fikirka xagjirka ah, urururada iyo shakhsiyaadka lagu tuhmayo inay fidiyaan ama taageerayaan afkartaas iyo waliba ciddii gabbaad siineynsa oo ay ula jeedaad dalka Qadar. Waxay soo jeediyeen inay khasab tahay in la raaco heshiiskii Riyaad, Sucudiga, lagu saxeexay 2013 iyo dhaqangelintisa iyo kii daba joogay ee 2014. Waxay shegeen in muwadiniinta afartan dal ay kala kulmeen kooxaha ay Qadar hooygasiiyo dhibaatooyin iyo caqabado.

Sidaas darted waxay xulufadu shegeen inay ka go’an tahay in dalka Qadar meel la saaro. Qodobo hore oo ay saareen, lagana rabo inay Qadar fuliso ayaa waxaa dalka Qadar loogu dhiibay Amiirka Kuweyt kuwaas oo ah 10 qodob, waxaana ku jiray inay erido urro iyo shakhsiyaad oo ay Xamaas iyo Ikhwaanka Masar ku jiraan, idaacadda Aljazerana la xero, Iranna ay xiriirka u jarto. Waana qodobo aad ugu adag Qadar balsa la arki doonee. Qadar waxaa ku yalla Saldig milatari oo ay Mareykanku leeyihiin waxaana ku sugan ciidan 10,000 askari iyadoo Turkigana uu ku leyahay Saldhig kaasoo hada ciidanka ka jooga Turkiga la kordhin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com