Jeddah (Caasimadda Online) – Xurguta siyaasadeed ee wadamada khaliijka ee Saudi Arabia iyo Qatar ayaa sabab u noqotay in ay saamayn ku yeelato kooxda Barcelona.Boqortooyada Saudi Arabia ayaa xidhiidhkii siyaasadeed iyo midkiiba dhaqaalaba u goysay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay soo taageerayaan ururka barriga dhexe ka dagaalama ee ISIS.
Sidaa daraadeed, maadaama oo ay maaliyada Barcelona maalgaliso Qatar Airways waxaa laga mamnuucay dalka Saudi Arabia iyada oo waliba taageerayaasha Barcelona ee ku nool dalka Saudi Arabia la duldhigay ciqaab aad u adag haddii lagu arko iyaga oo sita maaliyada Barcelona ee ay Qatar maalgaliso.
Shirkada Qatar Airways ayaa heshiis wada shaqayneed kula jirta Barcelona waxayna sabab u noqotay in garmaanta kooxda ree Spain laga xaaraantinimeeyo ciida dalka boqortooyada Saudi Arabia waxaana la sheegay in qofka lagu arko maaliyada Barcelona lagu xukumi doono ciqaab adag.
Xiisada ka jirta Khaliijka ayaa ee u dhexeysa dalka Qatar iyo wadamada ka soo horjeeda ayaa saameyn ku yeelatay haatan meel walba iyadoo hore dowlada Sacudi Carabiya ay ku dhowaaqday in ganaax iyo xarig uu mutaysanayo qofkii lagu arko isagoo daawanaya taleefishinka Aljazeera.
Barcelona ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa maalgelin ay ka helaysay shirkada Qatar Airways balse waxaa la filayaa in dhamaadka sanadkan uu ku soo gabagaboobo heshiiskooda.
Awaamiirtan, ayaa waxaa ku xusan cidii u hogaansami weydaa in ay muteysan doonto shan iyo toban sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan boqol iyo labaatan kun oo lacagta Ingiriiska (£120,000), sida uu daabacay Wargeyska Dailymail.
Amarka ay soo saartay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa saamayn ku yeelanaya bulshada ku dhaqan dalkaasi, gaar ahaan kuwooda taageera kooxda Barcelona iyo xidigaheeda caanka ah. Amarkan waxaa uu ku soo beegmaya, xilli Sacuudigu uu horey uga digay inaanan la fiirsan karin Telefishinka Aljazeera, haddii kalana ay dadku la kulmi doonaan ganaax iyo xarigba.