Turkiga iyo Iran oo 12 saac gudahood ku muujiyey inay Qatar ka maaranto xulafada khaliijka

Doha (Caasimada Online) – Dowladaha Iiran iyo Turkiga ayaa tallaabo farxad gelisay shacabka iyo dowladda Qatar qaaday kadib markii ay muujiyeen inay ka maarmi karto dowladaha Carabta ee dagaalka ku haayo.

Shirkadaha Dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa ganacsi xoog leh ka bilaabay gudaha Qatar, waxayna usoo dhoofiyeen alaabo aad u badan taasoo niyad jab weyn ku ah xulafada ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xayiraada saaray Qatar.

Shirkadaha dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa daaboolay baahiyada Qatar ee alaabaha muddo aan ka badneyn 12 saac, waxayna Qatar heysataa dakado iyo hawo ay ku qaabisho alaabaha maalgeshiga ah oo ay dowladahaas keenayaan  Qatar.

Dowladda Qatar ayaa si weyn usoo dhaweysay taageerada ay Turkiga iyo Iiraan u muujiyeen, waxayna tilmaamtay inaysan hadda jirin wax baahi ah oo ay Qatar u qabto inay alaab kasoo qaadato dowladaha Xayiraado Saaray.

Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ku leh dalka Qatar, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inaan dalka Qatar lagu soo fududaan, waxayna dhawaan Baarlamaanka Turkiga isku raaceyn in Ciidamo dheeri ah la geeyo saldhigaas, Turkigana waxay ku qasban tahay inay Qatar maalgelin ku sameyso maadaama iydaba loo ogolaaday inay halkaas saldhig ka sameysato, waxayna Turkiga bilowday inay alaabo kala duwan u dhoofiso Qatar si ay uga maaranto dowladaha Carabta ee go’doominta ku haayo.

Dowladda Turkiga ayaa si cad u sheegtay inaysan taagersaneyn dagaalka lagu hayo Qatar, waxayna wacad ku martay in wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal intii la is dagaali lahaa isla markaasna waxay ka dhawaajisay inuusan xalka ku jirin xayiraad la saaro Qatar.

Sidoo kala Dowladda Iiraan ayaa Qatar garab taagan maadaama uu dagaal ka dhaxeeyo iyada Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxayna Iiraan ku dadaaleysaa sidii ay Qatar uga guuleysan laheyd dalkaas isla markaasna waxaa hadda u bilowday ganacsi aad u badan oo aan waligood dhexmarin.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com