Ra’iisul wasaaraha Yahuuda oo shaaca ka qaaday arrin fadeexad ku ah xulufada Sacuudiga

Tel-Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa isaga oo ka hadlaya xiisadda ka dhex oogan dalalka Carabta sheegay arrin ceeb iyo fadeexad ku ah dalalka xulufada ah ee uu horkacayo Sacuudiga.

Netanyahu oo taageersan go’doominta lagu hayo dalka Qatar, ayaa sheegay in dalalka Carabta ah ee Qatar kasoo horjeeda ay iminka Israel u arkaan walaalo iyo saaxiibo aad ugu dhow oo hal dan ay ka dhaxeyso.

“Dalalka Carabta hadda Israel uma arkaan cadow, ee waxa ay u arkaan saaxiib muhiim ah” ayuu yiri Benjamin Netanyahu.

Benjamin Netanyahu ayaa Qatar uga soo horjeeda inay marti-geliso oo ay dalkeeda ku nool yihiin hogaamiyayaasha kooxda Xamas ee u dagaalanta xoreynta Falastiin, kuwaasi oo haddii ay dalkooda ku laabtaan ka baqaya in lagu dilo duqeymaha Yahuuda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo go’doominayo Qatar ay tahay cadaadis ka imanaya Mareykanka oo asna cadaadis si hoose ay u saaraan Yahuuda, maadaama Qatar ay marti-geliso laba urur oo islaami ah oo kala Ikhwaanul Muslimiin iyo Xamas.

In maanta Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulufadooda ay walaal u arkaan Yahuuda ayaa ceeb weyn ku ah, waana sababta inta badan dadka muslimiinta ah ay u taageersan yihiin Qatar, marka ay noqoto xiisadda ka dhex oogan dalalka gacanka.

Qatar waxay taageero ka haysataaa dalalka Turkey iyo Iran oo si weyn u garab istaagay markii dalalka kale ee carbeed ay go’doomiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com