Toogasho dhiig ku daatay oo ka dhacday Mareykanka iyo siyaasi caan ah oo la dhaawacay

Washington (Caasimadda Online) – Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga intii ay socotay cayaar dhaqameed Baseball ah meel u dhow Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Ninkaan hubeysan ayaa dhaawacay  7 qof oo uu kamid ahaa siyaasiga sedexaad ee ugu sareeyo congress-ka mareykanka kaasoo lagu magacaabo Steve Scalise sida ay caddeeyeen goob joogayaal.

Dad goobjoogayaal ah ayaa CNN u sheegay in ninka weerarka soo qaaday uu ku hubeysnaa qori isla markaasna uu u muuqday nin cad oo da’diisa ay meel dhexaad tahay sidoo kalana xigay xagga cayilka marka laga hadlayo tilmaamtiisa.

Wakiil kasoo jeedo Alabama ayaa CNN u shegay inuu kaliya arkay laba il biriqsi ninka  hubeysan wuxuuna xaqiijiyey inuu rasaasta u ridayey dhanka xubnaha Jamhuuriga ay ku sugnaayeen

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah