Warbixin: Habka cusub ee ay Soomaalida ku tagi karaan Mareykanka

Washington DC (Caasimada Online) – Waxaa shalay si rasmi ah u dhaqan galay sharci cusub oo Maraykanku ku adkeynaayo soo gelida dalkooda ama helida waxa loo yaqaan dal ku galka (Visa).

Sharcigan ayaa dib loo qorey kadib markii uu socon waayey go’aankii ghore ee Madaxweynaha Maraykanka oo ahaa mid jaahwareer keenay. Sharcigan cusub ayaa lagu soo rogay lix dal oo Soomaaliya ka mid tahay.

Ganaaxa gelitaanka Maraykanka ayaa shaqeynaya muddo 90 maalmood ah, sidoo kale waxa uu qabnayaa qaxootiga sugaya gelitaanka Maraykanka muddo 120 maalmood ah, kuwaas oo hadda laga sugaayo in ay muujiyaan xiriir dhab ah oo ay ku leeyihiin Maraykanka.

haddaba hoos ka akhri shuruudaha ka horeeya in aad Visa hesho.

  • Codsadayaasha cusub ee dalalka Soomaaliya, Siiriya, Suudaan, Libya, Iran iyo Yemen, waa in ay caddeyn karaan xubno ka tirsan qoyskooda oo ku nool dalka Maraykanka
  • Qoyska iyo qaraabada shaqeyn kara in laguugu ogolaado gelitaanka Maraykanka ayaa ah sida, Waalidkaa, waalidka xaaskaaga, ninkaaga ama xaaskaaga, caruurtaada, caruurtaada waaweyn, caruurta xaaskaaga ama ninkaagu dhalay, walaashaa ama walaalkaa.
  • Qoyska looma xisaabinaayo ayeeyada, Awoowaha, caruurtaada caruurtooda, eedooyinka, adeerada, habaryaraha iyo abtiga, ilma abtida, ila adeerta, ama walaalo dhanka sharciga ah.
  • Sharciga cusub waxa uu xitaa qabanayaa dadka qaxootiga ah kuwaas oo sugaya in loo oggolaado in ay Maraykanka ku nooladaan.
  • Haddii aad leedahay laba dhalasho, sida adiga oo ka soo jeeda Soomaaliya laakiin haysta dhalashada dalka Ingriiska, sharcigan cusub kuma saameynaayo sida ay qortey Arrimaha dibadda ee Maraykanku.
  • Oggolaanshaha dal ku-galka Maraykanka ee la bixiyey ka hor sharcigan, dib loogu yeeran maayo ama lama joojinaayo.
  • Suxufiyiinta, Ardeyda iyo shaqaalaha kale ee lagu casumo siminaarada iyo shirarka ka dhacay Maraykanka ma saameynayo sharcigan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com