Arrin Donald Trump uu ku sameeyey Twitter-ka oo Mareykanka oo idil ay ka yaaban yihiin

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa lagu eedeeyey in uu hurinayo colaad ka dhan saxaafadda ka dib markii uu ku baahiyey bartiisa Internet-ka ee Twitter-ka muuqaal u muuqda inuu dhiiri-gelinayo rabashado.

Muuqaal shactiro ah oo muujinaya isagoo feer la dhacaya nin madaxiisa lagu aadiyey calamadda telefishinka CNN, ayaa loo arkay inuu weerar ku qaadayo weriyayaasha, xilli isaga iyo CNN ay colaad weyn ka dhaxeyso.

Muuqaalka oo ah mid la habeeyey ayaa laga farsamayeey muuqaalka mar uu sanado ka hor Mr Trump booqday goobaha musaaricada lagu ciyaaro wuxuu muujinaya isagoo dhulka si xun ugu tuuraya nin laga dhigayey in uu yahay CNN, ka dibna si ba’an feer ugu cel celinaya.

Wariye ka tirsan CNN-ka oo lagu magacaabo Ana Navarro, ayaa ka shanqariysay in madaxweynuhu uu ku dameyn doono in qof ka mid ah saxaafadda la dilo, oo taageerayaashiisa ay falkaas ku kacaan.

Mr Trump wuxuu si joogto ah ugu eedeeyaa telefishinka wararka ee CNN warbaahin beenley ah, isaga oo inta badan diidan wararka ay ka baahiyaan oo uu aad u dhibsaday, gaar ahaan arrinta Ruushka, oo lagu eedeeyey inay doorashada madaxweyne ka caawiyeen Trump.

Tallaabada Trump ayaa looga hadal hayaa Mareykanka oo dhan, oo dad badan layaab ay ku noqotay.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com