Qatar oo taageero weyn heshay iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo runta loo sheegay

Berlin (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada ee Germany oo todobaadkan booqasho ku maraya dalalka Khaliijka ayaa ugu baaqay wadamada Sacuudiga iyo Imaaraatiga inay tixgeliyaan oo aysan ku xadgudbin madax banaanida wadanka Qatar.

Sigmar Gabriel oo Salaasadii shalay booqasho ku tagay magaalada Doxa ayaa sheegay in dalkiisa uu dhex dhexaad ka yahay xiisada ka dhex taagan dalalka Khaliijka, wuxuuse sheegay in loo baahan yahay in aan lagu xadgudbin madax banaanida Qatar.

Wasiirka Germany ayaa safarkiisan Isniintii ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi isagoona Salaasadii shalay usii gudbay Abu Dhabi iyo Doxa oo kulamo lamid ah la yeeshay hogaamiyayaasha dalalkaasi Carbeed.

“…Waa lama huraan in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga aysan faraha la gelin madax banaanida Qatar, taasi waxay muhiim u tahay in wadahadal ay yeeshaan labada dhinac oo xal laga gaaro arrimaha kale ee la isku khilaafsan yahay…waxaana ku boogadinayaa Qatar sida degenaanshaha ah oo ay u wajahday xiisadan….” ayuu yiri Sigmar Gabriel oo saxaafada kula hadlayey magaalada Doxa ee xarunta dowlada Qatar.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo si wadajir ah shirka jaraa’iid ulla qabtay Wasiirka arrimaha Dibada ee Germany ayaa dhinaciisa sheegay in dowladooda ay diyaar u tahay inay xal u hesho qodobada macquulka ah oo ay soo gudbiyeen xulafada Sacuudiga.

Al Thani ayaa sheegay in jawaabtii qodobadii ka yimid xulafada Sacuudiga ay isniintii u gudbiyeen dowlada Kuwait ee dhex dhexaadinta wada, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo jawaabta ay u direen dalalka ay hogaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

Balse Wasiirka Qatar ayaa sheegay in qodobadii ay soo gudbiyeen Sacuudiga iyo kooxda uu hogaamiyo ay u badnaayeen kuwo aysan Qatar gorgortan ka geli karin madaama ay taabanayaan qodobadaasi madax banaanida dalka Qatar, walow uu sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay kala hadasho dalalkaasi sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagaxisada.

“…Qatar waxay diyaar u tahay inay qaado tilaabo walba oo looga hortagayo kooxaha argagaxisada, dowladeena waligeed way kasoo horjeeday kooxahaasi hadana diyaar baan u nahay inaan sii xoojino, balse Sacuudiga iyo xulafadiisa waxa ay codsanayeen waxay salka ku heysaa arrimo siyaasad iyo waliba madax banaanida dalkeena iyo xoriyatul Qawlka kuwaasi oo ah arrimo aan gorgortan laga geli karin….” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibada ee Qatar.

Qatar ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday dadaal diblumaasiyadeed oo ay ka waday caalamka oo dhan si ay u hesho taageero ay uga gaashaamato cadaadiska uga imaanaya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga ee hogaaminaya xulafada xayiraada saartay Qatar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com