Sawirro: Maxaabiis badan oo lagu dhex dilay xabsiga weyn ee dalka Mexico

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Mexico ayaa xaqiijisay geerida in ka badan 28 maxaabiis ah oo ku jiray xabsi ku yaal gobalka Guerrero.

Dowlada ayaa sheegtay in Maxaabiistasi ay ku dhinteen dagaal ka dhex dhacay Xabsiga, sida ay baahiyeen Saraakiil u hadashay Booliska.

Sargaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in gudaha Xabsiga ay ku dhex dagaalamen labo kooxood oo burcad ah oo ay ka kala tirsanaayeen maxaabiista halkaasi lagu hayey.

Qeybo kamid ah burcada ku dhex dagaalantay Xabsiga ayaa isticmaalaayay Hubka noocyada fudud sida bistoolado iyo waliba mindida.

Meydadka maxaabiista la dilay ayaa laga helay goobo kala duwan oo xabsi kamid ah, waxaana qaarkood ka muuqday dhaawacyo halis badan.

Gacan ku heynta Xabsiga ayaa waxaa iminka la wareegay Ciidamo isugu jira Booliis iyo militari, kuwaa oo qoysaska Maxaabiista la dilay ka mamnuucay booqashada.