Amiirka Kuwait oo war cusub ka soo saaray xiisadda xulufada Sacuudiga iyo Qatar

Kuwait (Caasimada Online) – Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dhexda kaga jira xalinta Khilaafka dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, ayaa sheegay in dowladaha Carabta ee aan qeybta ka aheyn Khilaafka ay gabeen mas’uuliyadooda.

Amiirka Kuwait Sheikh Sabah, waxa uu tilmaamay in Khilaafka dowladaha Khaliijka uu isku rogay mid isha ay ka daawadan dowladaha Carbeed ee aan qeybta ka aheyn xiisada jirta.

Sheikh Sabah, waxa uu ifiyay in Khilaafka uu yahay mid kasii adkaanaya halkii uu horay u taagnaa, waxa uuna su’aal ka keenay waxa ugu wacan in dowladaha carabta ee aan kamid aheyn Khilaafka gamcaha uga laabteen, iyadoo Khilaafka uu maraayo heerkii ugu adkaa, sida uu sheegay amaanrka.

Amiirka Kuwait Sheikh Sabah, wax uu shaki galiyay in dowladahaasi ay qeyb ka yihiin dowladaha Carabta iyo inay ka madaxbanaan yihiin mudada lagu dhex jiro xal u helida Khilaafka sii butaacaya.

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in dowladaha aan muuqan ee qeybta ka ah kuwa ku abtirsada carabta ay wax ka bedelaan mowqifkooda ku aadan waanwaanta laga dhexwado xiisada.

Dowlada Kuwait ayaa noqoneysa dowlada keliya ee iminka dhex dhexaadka ka ah xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, waxaana muuqaneysa in howshaani loo daayay Kuwait.

Haddalka Amiirka ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Qadar ay si cad u diiday fulinta 13 Shuruud oo si wada jira ay usoo xariiqeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com