Qatar oo shaacisay keydka lacageed ee ay haysato “Xulufada Sacuudiga nama dhaawici karaan”

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday keydka lacageed ee ay haysato ee u saamaxaya in xanibaadda ay saareen xulufada Sacuudiga aysan u geysan wax dhibaato ah.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Qatar Sheikh Abdullah bin Saoud Al Thani ayaa taleefishinka Mareykanka ee CNBC u sheegay in Qatar ay keyd ahaan u haysato lacag dhan 340 bilyan oo dollar.

Sheikh Abdullah ayaa sheegay in lacagtaas ay ku jirto maal-gelinta Qatar ay ku sameysatay dunida inteeda kale, ayna taasi ka saacideyso inay u dhabar adeegto xanibaadda dhaqaale ee ay ku hayaan afar dla oo carbeed oo gacanka ku yaalla.

“Tani waa sida la isugu haleyn karo hanaankeena dhaqaale, waxaan haysanaa kaash nagu filan oo aan ugu dul-qaadano xaalad kasta oo deg deg ah” ayuu yiri Sheikh Abdullah.

Sheikh Abdullah bin Saoud Al Thani, ayaa sheegay in Bankiga Dhexe ee Qatar uu hayo lacag dhan 40 bilyan oo dollar, halka hay’adda maal-gelinta ee Qatar Investment Authority ay keyd ahaan u haysato 300 oo bilyan oo dollar.

Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan inay wax dhaawac ah gaarsiiyaan Qatar, si ay ugu qasbaan inay u hogaansato amaradooda, waxayna kusoo urureen kaliya hanjaab joogto ah, oo aan saameyn lahayn.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com