Document: Caasimada Online oo heshay heshiis Qatar ay saxiixday oo sharxaya waxa lagu haysto

Riyadh (Caasimada Online) – Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa Qatar ku eedeeyey inay jebisay heshiis sanadihii 2013 iyo 2014 ay la gashay dalalka gacanka ee deriska la eh, kaasi oo mamnuucayey inay taageerto kooxaha mucaaradka ee dalalka Masar iyo Yemen.

Heshiiskan ayaa jiritaankiisa laga warhayey, hase yeeshee warqadaha rasmiga ah ee heshiiska ayaanay jirin cid aragtay illaa iyo iminka, waxaana Caasimada Online soo gaaray warqadahaas heshiiska, oo qaarkooda gacanta lagu qoray qaarna computer.

Qodobada ku qoran warqadda ayaa waxaa ku jira 6 qodob oo ka mid ah 13-kii qodob ee dalalka Carabta ay hordhigeen Qatar saddex toddobaad ka hor, kuwaas oo ku jiray heshiiskii hore.

Heshiiska koowaad oo gacanta lagu qoray sanadii 2013, ayaa waxaa wada-galay boqorka Sacuudiga, iyo amiirada dalalka Qatar iyo Kuwait, waxaana uu dhigayey in laga fogaado in dalba uu dalka kale arrimihiisa faro-gelin ku sameeyo.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jira in Qatar aysan taageeri karin kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar iyo kooxaha mucaaradka ee dalka Yemen.

Qeybta labaad ee heshiiska oo la saxiixay sanadii 2014, uuna kusoo biiray amiirka Bahrain, ayaa waxaa ku jira oo Qatar ay ogolaatay in taleefishinka Aljazeera aanay adeegsan kooxaha mucaaradka dalka Masar ee ku kacsan dowladda.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in hadidi qodob ka mid ah la jebiyo, ay la macno tahay in la jebiyey dhammaan qodobada heshiiska.

Haddaba hoos ka aqriso heshiiskan oo ay heshay Caasimada Online.