Fetullah Gullen oo soo hadlay sheegayna hal arrin oo uusan ka cabsi qabin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Mucaaradka dowlada Turkiga Fetullah Gulen, ayaa wareysi lala yeeshay uga hadlay tuhunka ku aadan inuu ka danbeeyay Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga iyo wararka sheegaya inuu baxsad u yahay dalka Kanada.

Fetullah Gulen, oo hadda ku nool dalka Mareykanka, ayaa sheegay inaanu jirin cabsi gaara uu ka qabo inuu ka cararo dalka Mareykanka isla markaana uu isku dhiibo dowlada Kanada.

“….Hadii dowlada Maraykanka ay ii gacan geliso Erdogan, arrintaasi kama hor imaan doono waana aqbali doonaa….” ayuu yiri Gulen oo sheegay inuusan meelna uga socon dalka Maraykanka.

Dowlada Maraykanka ayaa illaa iyo hada ka gaabsaneysa inay ninkan u gacan geliso Xukuumada Turkiga, iyadoona ka codsatay Turkiga inay cadeynmo dheeraad ah usoo gudbiyaan hadii ay doonayaan in Gulen loo tarxiilo wadankiisa.

Fetullah Gulen, oo wax laga weydiiyay suuragalnimada inuu ka baxsado dowlada Mareykanka ayaa sheegay in xiligaani uusan dajin qorsho uu kaga baxaayo dalka Mareykanka, isla markaana yahay mid si wanaagsan ugu qanacsan joogitaankiisa Mareykanka.

Fetullah Gulen, oo u waramaayay wakaalada wararka Reuters, ayaa si caro leh u beeniyay inuu u guuri doono dalka Canada maadaama uu ka cabsi qabo in xukuumada Trump u gacan geliso Erdogan, oo xiligaani uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Fetullah Gulen, waxa uu been abuur laga faafiyay ku sheegay inuu kusii jeedo dalka Canada, balse waxa uu cadeeyay inaanu jirin ujeedo gaara uu Mareykanka ka leeyahay inuu ku wareejiyo dowlada Turkiga.

Haddalka Fetullah Gulen, ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu wadaadkani ku eedeeyay inuu lahaa fekerka Afganbiga, isla markaana uu halis ku yahay jiritaanka Turkiga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com