Imaaraadka oo go’aan lama filaan ah ka qaatay qodobkii TV-ga Aljazeera

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay in gorgortan ay ka gasho 13-kii qodob oo dhawaan ay xulafada usoo bandhigtay Qadar.

Noura al-Kaabi oo ah Wasiirada Federaalka ee dowlada Imaaraatiga ayaa hadalkaasi ku sheegtay wareysi, waxa ayna tilmaantay inay diyaar u yihiin inay gorgortan la galaan Qatar.

Noura al-Kaabi waxa ay si gaara uga hadashay arrinta telefishinka Aljazeera, waxa ayna carab dhabtay in dowlada Imaaraadka ay dib uga laabatay go’aankii ahaa in Albaabada loo laabo Xarunta weyn ee telefishinka Aljazeera.

Wasiir Noura al-Kaabi, ayaa sheegtay in 13kii qodob ee Xulafada usoo bandhigeen Qadar ay ugu sahlan tahay in laga tanaasulo qodobka ku xeeran xiritaanka telefeshinka Al-Jazeera.

Noura al-Kaabi, ayaa tiri ”Imaaraadku waxa uu dib uga laabtay qodobkii la hordhigay Qadar ee ahaa in la xiro Xarunta telefeshinka Al-Jazeera ee Doha”

Dowlada Sacuudiga oo hogaamineysa wadamada leysku yiraa Xulafada ayaa horey u sheegay inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin 13ka qodob oo ay ku xireen Qatar.

Sacuudiga oo cadaawad Siyaasadeed u qaba Qadar ayaa xooga saaraya in laga takhluusiyo Amiirka dowlada Qadar, oo isagu ku adkeysanaaya in Qadar ay iska dhicin doonto Xulafada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa weli ka biya diidan dhaqan galinta qodobada ay sida wada jirka ah hoosta uga xariiqeen xulafada Sacuudiga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com