Edogan oo khudbad qiiro leh ka jeediyey xuska af-gembigii dhicisoobay

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa tobanaan kun oo qof u jeediyey khudbad qiiro leh, dadkaas oo iskugu soo baxay xuska sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay af-gembigii dhicisoobay ee ay shacabku dariiqyda magaalooyink waawyen kaga hortageen.

Erdogan, ayaa amaanay dadka iyo xildhibaanadii golaha shacabka ee difaacay dimuqraadiyadda iyo xukuumadiisaba.

Wuxuu taageeray ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay kuwii maleegay af-gembiga waxaanu yidhi waa in loo xidhaa dhar la mid ah kuwa loo xidho maxaabiista ku jira Guantanamo Bay.

Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay 2196 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii ay kala hortageen af-gembigii ay isku dayeen koox ka mid ah milatarigu 15 Juulaay sannadkii hore.

Dawladda ayaa tan iyo maalintaa qaadday olole ay ku ugaadhsaneysay dadkii lagu eedeeyey in ay taageerayeen af-gembigaa, waxaana shaqada laga eryay in ka badan 150,000 oo shaqaale dawladeed ah sidoo kalena waxaa xabsiga loo taxaabay 50,000 oo qof.

Af-gembigu wuxuu ku dhicisoobay dhawr arimood dartood oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha sarsare ee ciidamada qalabka sida oo aan taageersanayn iyo sidoo kale taageero siyaasadeed iyo mid shacab oo aanu midkoodna kasban.

Dadka dhaliila Erdogan ayaa sheegay in uu af-gembigaa dhicisoobay marmarsiiyo uga dhigtay sidii uu u cabudhin lahaa dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, todobaadkii horena boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalada Istanbul ka dib markii ay socod dheer oo 450 km ah oo loo bixiyey socdaalkii “caddaaladda” oo dawladda lagaga soo horjeeday ku soo mareen meelo badan.

Madaxweynaha ayaa se dadkaa socdaalka dheer abaabulay ku eedeeyey in ay taageerayaan argagixisada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com