Ciidamada Yuhuuda oo toogtay Imaamkii masjidka Al-Aqsa iyo Turkiga oo noqday dalka kaliya ee….

Aqsa (Caasimadda Online) – Imaamkii Masjidka Baraykeysan ee Al-Aqsa ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ciidamada Yahuuda ku fureyn Shalay dad ku dukanayey banaanka hore ee Masjidka Al-aqsa, kadib markii loo diiday inay ku dukadaan gudaha Masjidka.

Ciidan ka tirsan Maamulka Yuhuuda ayaa shalay rasaas ooda uga qaaday dadkii Banaanka Masjidka ku dukanaayay, taasi waxa ay keentay inuu dhaawacmo Imaamkii Masjidka Al-Aqsa.

Rasaastaas ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa boqolaal qof oo uu kamid ahaa imaamkii Masjidka Sheekh Cikrama Sabri kaasoo xalay u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray rasaasta oo uga dhacday meel halis ah.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee arrintaan ka hadasho,  mana jiro ilaa hadda wadan kale oo xasuuqaan ka hadlay.

Mehmet Gormez oo ah  Wasiirka Diinta Turkiga,ayaa cambaareeyay falkan waxaana uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado, waxaa kale oo uu sidoo kale cambaareeyay falalka Yuhuuda ay kula dhaqmeyso Muslimiinta ku dukada Masaajidka Al-Aqsa.

Dowladda Sacuudiga oo ah dowladda ugu weyn ee ISlaamka fiirsado ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay dadkaan muslimiinta ah ee ku dukanayey Banaanka Masjidka Al-Aqsa iyo dhimashada imaamkii Masjidka oo ahaa Sheekh weyn .

Ciidamada Yahuuda ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku hareereeyey Masjidka, waxayna diideyn inay halkaas muslimiinta ku dukadaan.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com