Sacuudiga oo xujo dhib badan kusoo rogay xujeyda dalka Qatar

Doha (Caasimada Online) – Madaxa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Qatar ayaa sheegay inay walaac weyn ka qabaan caqabadaha badan oo ay dowlada Sacuudiga dul dhigtay muwaadiniinta Qatar ee doonaya inay booqadaan dalkaasi.

Ali bin Smaikh al-Marri ayaa sheegay xayiraada dhanka duulimaadka ah ee Sacuudiga saaray Qatar ay sanadkan saameyn ku yeelan doonto muwaadiniinta reer Qatar ee doonaya inay soo gutaan Xajka.

Wuxuu sheegay in shuruudo iyo caqabado badan ay dowlada Sacuudiga hordhigtay dadka u dhashay dalka Qatar inay safraan, arrintaasi oo ka horimaaneyso xaquuqul insaanka, ayuu yiri Al Marri.

Xulafada Sacuudiga ayaa weli diidan inay qaadaan xayiraada cirka, dhulka iyo bada oo ay kusoo rogeen dalka Qatar.

Dowlada Qatar ayaa horey u sheegtay in Sacuudiga uu sidoo kale cadaawad ku dhex abuurayo labada shacab, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu hada wado olole uu dadkiisa ku kicinyo si ay cadaawad ugu muujiyaan wadanka ay jaarka yihiin ee Qatar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com