Doorashada Kursiga uu ka dhintay Bootaan Ciise oo maanta dhaceysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu qabto doorashada mid kamid ah Kuraasta Golaha shacabka baarlamaanka ee faaruqa ah.

Kursigaan doorashadiisa maanta la qabanaayo ayaa waxaa ku loolamaaya ilaa laba musharaxiin, kuwaa oo mid waliba u tartamaaya inuu buuxiyo booska uu ka dhintay Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Doorashadan la filaayo in maanta ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa xaqiijiyay Guddiga doorashooyinka oo cadeeyay in doorashada Kursigaasi ay maanta dhaceyso.

Kursiga iyo doorashada ayaa waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan dowlada ayaa lagu sii daadiyay Hoolka lagu qaban doono doorashada maanta dhaceysa, waxaana rajo laga muujiyay amniga goobta.

Ma cadda cida kusoo bixi doonta doorashada, waxaase la filayaa in Ergada ay si saafi ah u bixin doonto codkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com