Wararkii ugu dambeeyay magaalada Garoowe iyo xubnaha ilaa hadda gaaray

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta mashquul daran laga dareemay magaalada Garowe gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ay ka dageen diyaarado badan oo horey aan kaga dagi jirin garoonka.

Waxaa maanta gaaray magaalada wafuudii ugu badneyd, waxaana ugu horeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta gareen iyo xubno kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu la socday ayaa ku xigay, iyadoo kadib ay magaalada tageen xubno kala duwan oo ka socday mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana ugu horeeyay Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale C/raxmaan Cabdi Shakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka dowladda ayaa tagay magaalada Garowe, iyaga oo barahooda Bulshada kusoo qoray safaradooda Garowe.

Waxaa magaalada laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana saacadaha soo socda tagaya madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maalinta beri ah xaflad caleemo saar ah ayaa ka dhaceysa magaalada Garowe, waxaana xafladaasi ay kulmineysaa dad muddo badan is weerari jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com