Sawiro: Uganda oo Muqdisho usoo dirtay ciidamo loo soo sheegay inaysan sab iyo cunto oolin

Muqdisho (Caasimadda Online) – 1,800 Askari oo ka socda Dalka Uganda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaan ciidamadan oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay Munasaabad lag uqabtay Xraunta Tababarka ee Taageeradda Hawlgalladda Nabadda ee SINGO oo ku taalla Degmadda Nakeseke ee dalkaasi.

“Hawlgalka Somalia ma aha mid Jimcsi iyo Raaxaysi, waa xaallad dagaal” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda oo kula dardarmay ciiddanka inay la yimaadaan Dishibiliin iyo inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Waxaa uu ciidamadaas ka codsaday in ay iska ilaaliyaan dhaqan xumada iyo in laga faafiyo wararka been abuurka ah.

“ howlgalka Soomaaliya maaha Sab, ama meel cunto ee waa meel dagaal, waa in Askari kasta eegaa Askariga kale gadaashiisa, hubisaanna in aad u hoggaansameysaan xeerarka dagaalka iyo howlgallada ” ayuu sii raaciyey Taliye Ciidanka, Gen. Muhoozi.

Waxaa kale oo uu Taliyuhu sheegay in howlgalka Soomaaliya oo Afrika lama filaan ka ahaa ay Ciidanka difaaca Uganda ee UPDF ay ka dhigeen mid suuragal ah.

Dhinaca kale, Ciiddanka cusub ee Uganda ee soo gaaray Soomaaliya waxaa Taliye u ah Kolonel Kosiya Kuteesa, waxaana Ku-xigeenka u noqon doona Kolonel Rogeris Okiror.

Gen Peter Elwelu , oo ah Taliyaha Ciidanka Lugta ee Uganda ayaa ka mid ahaa saraakiishii sagootisay Ciidanka loo soo diray Soomaaliya waxaana uu u rajeeyay in ay guul ku dhameystaan.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doono 6,000 Askari ee Uganda ku matala Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxyana soo qaateen tababar Lix bilood ah oo la xiriiray sida looga howlgalo goobaha dagaallada .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com