Ilhaan Cumar iyo seygeeda ‘oo is-furaya’ – Warbixin

Minneapolis (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee dalka UK ayaa qoray in Ilhaan Cumar iyo seygeeda ay kala guuraan islamarkaana ay ku guda jiraan hanaan ay isku furayaan.

Daily Mail ayaa warbixin gaar ah oo uu qoray ku sheegay in Ilhaan ay cayrisay seygeeda Axmed Xiris, oo markii ugu horreysay ay is-guursadeen sanadii 2002 , balse is-fureen 2008, ka hor inta aysan mar kale dib isugu noqon.

Wargeyska ayaa sheegay in Ilhaan ay hadda ka guurtay Axmed kuna nooshahay dhisme qaali ah oo ku yaalla Mill District oo ah xaafadda ka tirsan Minneapolis.

“Waan ka xumahay, waxba kama oran karo arrintan” ayuu yiri Axmed Xirsi oo Daily Mail ay wax ka weydiisay.

Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaan ka jawaabin xiriir ay la sameysay Daily Mail.

Axmed Xirsi ayaa hadda kaligiis ku nool gurigii ay wada deganaayeen isaga iyo Ilhaan, hase yeeshee waxa uu tagaa guriga cusub ee Ilhaan ay kiraysatay marka ay ku maqan tahay magaalada Washington DC, halkaasi oo ay xubin ka tahay congress-ka Mareykanka.

Axmed Xirsi ayaan sidoo kale xaaskiisa kusoo dhoweyn garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul Airport markii ay toddobaadkii tagay kasoo laabtay Washington DC.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeymo aan weli caddeyn loo hayn oo xubno Jamhuuriyiin ah ay ku sheegeen inay si been ah u guursatay walaalkeed si ay u keento dalka Mareykanka.

Sawirrada guriga cusub ee ay degtay Ilhaan Cumar

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com