“Dhismaha Banaadir State wuu billowday, waana ku casuumeynaa Farmaajo”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu hadlaayay raadinta maqaamka shacabka gobolka banaadir iyo qorshe maamul gaar ah loogu dhisayo gobolka banaadir.

Gogosha kulanka oo ay dhigeen odayaasha dhaqanka beesha Mudulood ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, qurba joog iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn dhamaan dadkii kulanka ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii iyo masuuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta gobolka banaadir.

Nabadoon Maxamed Cadoow Cali oo ka mid ah nabadoonadii kulanka ka hadlay ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in cadaalad loo raadiyo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka.

“Madaxda dowladda waxaan ka sugeynaa iney cadaalad u raadiyaan dadkii dhintay, waxaan kaloo u baahanahay cid qaadata masuuliyada wixii dhacay bulshadana loo soo bandhigo warbixin sax ah oo ay ku qancaan”. ayuu yiri Nabadoonku.

Malaaq Maxamuud Malaaq Cali iyo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cali ayaa si wadajir ah kulanka ugu sheegay in Muqdisho ay noqotay magaalo xabsi ah oo dadkeeda aysan isku gudbi Karin.

Waxa ay tilmaameen in ay u baahan yihiin in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka banaadir oo ku yimaada codka shacabka Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay kala shaqeynayaan sidii maamul u gaar ah gobolka loogu sameyn lahaa.

“Farmaajo waxa uu mar walbo sheegaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah balse ma ogolo in gobolka banaadir dadkiisa ay duq magaalo doortaan golle degaanna la dhiso, waxaan balan qaadaya in cabashada odayaasha dhaqanka aan horgeyn doono golaha shacabka kana shaqeyn doono sidii maqaamka caasimadda lagu heli lahaa”. ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan C/qaadir Cosob Cali oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka heysta shacabka gobolka iyo baahida loo qabo in la helo maamul matala.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dhisi doonaan guddiyo farsamo oo arrinta maamul u sameynta ka shaqeeya si loo helo maamul doorasho ku yimid.

“Magaalada dhagax laguma maamuli karo madaxda dowladda waan u sheegnay, waxaan dhiseynaa guddiyo farsamo oo soo diyaariya dhismaha maamul u sameynta gobolka banaadir, qorshaha aan wadno madaxda waan la wadaageynaa si shacabkaan dulman ee canshuur bixiyayaasha ah wax loogu qabto” ayuu yiri xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Ugu dambeyn kulanka ayaa loogu duceeyay dhamaan masuuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa oo ay waxyeeladu kasoo gaareen qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay xarunta aqalka dowladda ee Hoose.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com