Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo la wareeray iyo rasaas badan oo laga…

Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal.

Gaadhiga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo waramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan gudoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumada Biixi oo si cad u bidhaaminaya siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha.

Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com