Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geynayo Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wado inay ciidamo kala duwan ku daad gureyso Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dowladda ayaa Dhuusamareeb geysay ciidamo kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo isugu jiro Boolis iyo Militari.

Sidoo kale Dowladda ayaa Dhuusamareeb geysay ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo Xalay si rasmi ah ula wareegay qeybaha kala duwan ee xafiisyada Dowladda ee Dhuusamareeb.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorsho ay Dhuusamareeb ku geeneyso Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Qorshahaan ayaa la filayaa inuu hirgalo maalmaha soo socdo inkastoo ay qorshahaan diidan yihiin waxgaradka iyo Odayaasha Magaalada Dhuusamareeb oo dalbanayo inaan Ciidamo Itoobiyaan ah la keenin Magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa afgambi ku sameysay awoodii Ciidan ee Maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku hayey Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com