Somaliland oo si rasmi ah ugu dhawaaqday guddiga taakuleynta Beledweyne

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii ugu horeysay si rasmi ah ugu dhawaaqday guddi ka kooban 19-xubnood oo ka qeyb qaadanaya gurmadka dadka fatahaaduhu saameeyen.

Guddigaasi ayaa waxa ay gudaha Somaliland ka ururin doonaan taakulo lagu caawinayo dadka reer Beledweyne ee ay sida weyn u saameeyen fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Jamaal Caydiid Ibraahim, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa magacaabay guddigan gudaha Somaliland uga qeyb qaadan doona ururinta taakulada dadka fatahaadahaasi ay saameyen.

“Waxaan Magacaabay Guddi dhexe oo ururisa qaadhaanka loo gurayo Beledweyne, maaddaama oo Maalmihii aynu soo dhaafnay Somaliland laga abaabulayey Qaadhaan ururin, gaar ahaan Burco, Laascaanood, Boorama” ayuu yiri Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland oo ku dhawaaqayey guddigaasi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Si aynu qaadhaankaa u midayno Guddi dhexe oo lagu soo ururiyo ayaanu Magacownay. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna nagu booriyey inaanu hawshaa galno, isaguna diyaar buu u yahay markaanu soo gebo-gabayno in Xukuumaddu si weyn oo Miisaan leh uga qayb-qaadato, sidaas ayaanuna ku ballansanahay”.

Hoos ka aqriso magacda guddigan oo 19-ka qof ka kooban:

1. Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka socda Rugta Ganacsiga JSL
2. Kayse Shukri jaamac (Daryeel)
3. Maxamed Axmed faarax (Food)
4. Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi
5. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ka socda Dahabshiil
6. Sheekh Maxamed Cali Geeddi
7. Sheekh Axmed Aadan Buuxsane
8. Cabdiwahaab Maax Maxamuud oo Telesom Group ka socda
9. Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
10. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
11. Xasan Axmed Xuseen (Xasan Bulbul) oo ka socda Sompower
12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
13. Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe) oo ah Guddoomiyaha Waraabe Group.
14. Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole
15. Farxaan Liibaan Axmed oo ah Shirkadda Liibaan
16. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
17. Abwaan Yuusuf Shaacir
18. Xamse Cumar Ku-joog
19. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo Hass Petrolium ah

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa