Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland, Janaraal Jaamac Maxamed Bootaan ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegayey in uu xil sarre ka helay Saldhiga weyn ee Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Janaraal Jaamac Bootaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xil looga magacaabay saldhigaasi uu leeyahay Turkigu, isagoona si adag u beeniyay wararkaasi oo uu ku tilmaamay been abuur.
Bootaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu sharciga la tiigsan doono cidii faafisay warkaasi uu ku tilmaamay been abuurka, isla markaana xusay inay ujeedo gaar ah ka lahaayeen arrintaasi.
“Anigoo ah Janaral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka Somaliland, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waan beeninayaa wararkaas” ayuu yiri Janaraal Bootaan.
Wuxuuna intaas sii raaciyey “Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, waxbana kama jiraan wararkaas oo waa kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa. Waana kuwo ujeedo gaar ah laga leeyahay”.
Waxaana xusid mudan in Janaraal Jaamac Maxamed Bootaan oo bishii hore ee March uu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaaday xilkii Taliyaha sirdoonka Somaliland, uu isla markiiba u baxay safar dibedda ah.