Hargeysa (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshadu aad u wareegayay warar sheegaya in Dad qaba cudurka Coronavirus oo ku nool magaalada Hargeysa ay ka baxsadeen Wasaaradii gacanta ku haysay.
Arrintaasi oo ah mid halisteeda leh oo saameyn weyn ku yeelan karta Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ayaa wax ka weydiinay inay jirto Wasaarada Caafimaadka Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa noo xaqiijiyey inaysan jirin Dad baxsad ka ah gacantooda, kadib markii laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus.
Dr Xergeeye ayaa sheegay inay jiraan Dad xaaladooda caafimaad ay soo reysatay oo ay usoo jeediyeen inay isku daryeelaan Guryahooda, isla markaana ay xaaladooda caafimaad la socoto wasaaradoodu.
“Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha. Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan” ayuu yiri Agaasime Xergeeye.
Wuxuuna intaas sii raaciyey Agaasimuhu “Dad baxsan karaya maaha, waxna kama jiraan Inay baxsadeen”.
Xukuumada Somaliland ayaa laga deyrinaya qaabka ay uga hortageyso cudurkan halista ah inuu ku faafo deegaanadeeda, maadama ay weli wax go’aan ka soo saarin qaad badan oo si maalin leh ah usoo gala deegaanadeeda, iyada oo ay furan-tahayna xuduuda ay la wadaagto Itoobiya.