Muwaadin Sacuudiyaan ah oo loo dilay MASHRUUC uu wado BIN SALMAAN dartiis

Riyadh (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dalka Sacuudiga ayaa dilay Muwaadin u dhashay dalkaasi, kadib markii uu si weyn uga hor-yimid in gurigiisa uu qeyb ka noqdo mashruuc dalxiis oo boqortooyada Sacuudiga ay wado hir-gelintiisa, kaasi oo loo yaqaan NEOM Project.

Ninkaasi oo lagu sheegay magaciisa C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa diiday inuu gurigiisa ku wareejiyo mashruuca ay dowladda Sacuudigu waddo, kaasi oo kamid ah mashaariicda ugu weyn ‘Himilada 2030’ ee uu bilaabay sanad ka hor dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin-Salman, maadama uu hoygiisu ku yaalo marin muhiima, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Sacuudiyaanka.

C/raxmaan Axmed Maxamuud Al-Hwaiti ayaa muuqaal uu hore iskaga soo duubay ku baahiyey Mareegaha internet-ka, kaasi oo uu ku sheegayey in dowladda Sacuudigu ay ku qasbeysay isaga iyo dad kale oo ay wada dagan-yihiin, inay iska wareejiyaan hantidooda iyaga oo ku badalanaya magdhow lacageed.

C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa muuqaal kamid ah muuqaaladiisa oo lasoo galiyay barta Youtube-ka waxa uu ku sheegay, in dowladdu Sacuudigu ay si qasab ah uga qaadeyso hantidiisa qofka ka hor-yimaadana ay kula kaceyso xariga iyo dil, midaasi oo uu ku tilmaamay barakac qasab ah.

“Qofkii diida inuu ka tago aagga, waxaa xiraya wakiillada dawladda, waana talaabo u muuqata barakac khasab ah” ayuu yiri C/raxmaan Al-Hwaiti.

Al-Hwaiti ayaa si adag uga hor-yimid in uu gurigiisa uu ku wareejiyo dowladda, isagoona xusay in uusan meelna uga baxeyn aaga ay dowladdu rabto inay gebi ahaanba la wareegto.

Ninkan ay dileen ciidamada Sacuudigu ayaa sidoo kale waxa uu hore u sheegay in dadka la dagan aagaasi qaarkood ay u gacan galeen ciidamada amaanka kadib markii ay u hogaansami waayeen amarkii dowladda, isagoona muujiyay suurta-galnimada lagu dili karo.

“Sagaal qof oo ka tirsan aaggayga ayaa la qabtay ilaa hadda, waan hubaa in aan ku xigi doono – ama xitaa la dili doono, Waan hubaa haddii ay i dilaan waxay hub gelin doonaan jirkayga, waxayna sheegan doonaan inaan ahay argagixiso” ayuu ku yiri muuqaalka uu ku baahiyey mareegaha internet-ka.

C/raxmaan Al-Hwaiti ayey ciidamada Sacuudigu toogteen xili uu duubay muuqaalkiisi u dambeeyay ee ku muujinayo dhaca qasabka ah ay dowladu kula wareegayso hantidooda, sida ay sheegeen shaqsiyaad u ololeeyay xuquuqda Sacuudiyaanka.

Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Sacuudigu dilkan lagu eedeyay, xili ay si xoog ah iskugu dayeysay inay aagaasi kala wareegto dad daganaa, midaasi oo ay ka hirgelinayso mashruuca ay ugu magac dartay ‘NEOM Project’.

NEOM Project ayaa waxa uu ka fulayaa waqooyiga-galbeed ee Boqortooyada, weliba dhanka xeebta Badda Cas, oo ku taala xudunta kulmisa wadamada; Boqortooyada Sacuudiga, Masar, Urdun iyo Israa’iil, waana mashruuc xiriir la leh dalxiiska.

Ninkan ay dileen ciidamadu ee lagu magacaabo C/raxmaan Al-Hwaiti ayaa kasoo jeeda qabiil awood ku leh wadamada Sacuudiga, Urdun iyo Siinaay oo ku taala Masar, lamana oga in uu dilkiisa uu ka dhalan karo kacdoon dadweyne oo hakiya mashruuca uu garwadeenka ka yahay Mohammed bin-Salmaan.