Somaliland oo joojisay xuskii 18-ka MAY + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta booqday xarunta Guddiga ka hortaga cudurka ee Covid-19, ayaa waxa uu si rasmiya u shaacisay inay gebi ahaanba joojiyeen xuskii munaasibada 18-ka May, oo ku beegan xiliga ay Somaliland ku dhawaaqday gooni goosaadka ay ku doodo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in sababta u weyn ee xuskaasi muhiimka u ah Somaliland loo joojiyay ay tahay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo Kiisas hor leh laga helay deegaanada Somaliland, isla markaana uu dhowaan ugu geeriyooday qofkii u horeeyay.

Sidoo kale waxa uu Muuse Biixi ka dhawaajiyey in xuska 26-ka June, oo aheyd markii la taagay calanka Soomaaliyeed ee 1960-kii, iyadana gebi ahaan la baajiyey sababo la xiriira cudurkaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in munaasibadahaasi la baajiyay ay ku badali doonaan wax uu ku sheegay ‘khudbado qaran’ oo Madaxda Somaliland ay bulshadooda u marin doonaan dhanka warbaahinta, maadama aan xiligan ay dad badan isugu iman kareyn meel fagaare ah.

Somaliland ayaa si weyn u xusi jirtay maalinta ay ku doodo inay ka goosatay Soomaaliya, iyada oo munaasibad weyn ay iskugu soo bixi jireen bulshada ku nool deegaanadaasi, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.