Puntland oo shuruud adag ku xirtay sii deynta 17 nin oo reer Galmudug ah oo u xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ku sugnaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, oo maamulkaasi kala xaajoonayay sii deynta 17 maxbuus oo muddo badan u xirnaa Puntland.

Maamulka Puntland ayaa shuruud ku xirtay xildhibaanada dalbanayay in loo sii daayo maxaabiistaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug, isla markaana ay ku wareejiyaan, kuwaasi oo u xiran kiis la xiriira Burcad badeednimo.

Xildhibaannada oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda & Xildhibaannada Puntland ayaa waxa lagu xiray in marka hore dowladda Soomaaliya ay soo qorto codsi ku aadan wareejinta maxaabiistaas, maadama ay mas’uuliyiintu dalbadeen in loogu wareejo xukuumada Muqdisho, si ay ugala xaajoodaan sii deyntooda.

Maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay 17 Rag ah ayaa waxa hore ugu xirnaayeen xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, taasi oo laga soo wareejiyay kadib markii uu heshiis dhex-maray maamulka Puntland iyo Jasiirada Seychelles.

Madaxda Puntland ayaa sheegay inay aqbalayaan codsiga xildhibaanada hadii dowladda Soomaaliya ay ka dalbato in maxaabiista Burcad-badeednimada ugu xiran xabsiga dhexe ee Garoowe loo wareejiyo Muqdisho.

Maxaabista ay Puntland ka madax adeygay sii deyntooda, isla markaana ay shuruud uga dhigtay arrintaasi si ay u wareejiso ayaa waxay muddo dheer ku xiran yihiin Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, xili ay muddooyinkii dambe maamulka Galmudug ku dadaalayay sii deynta maxaabiistaas.