Dowladda Abiy oo war kulul kasoo saartay soo jeedin ka timid beesha caalamka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Abiy Axmed ee Itoobiya ayaa si kulul uga jawaab celisay dalab ay dhawaan u gudbisay beesha caalamka, kaasi oo ahaa in baaris madax-banaan lagu sameeyo dagaalka toddobaadyada socday ee ay ku qaaday maamulka TPLF.

Itoobiya ayaa si cad u diiday in beesha caalamka ay qeyb ka noqoto baaristaas, midaasi oo ay sheegtay inay xaq u leedahay sameynteeda dowladda federaalka oo awood buuxda u leh u dhabo galka arrintaas.

Redwan Hussein oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowlada ayaa sheegay in beesha caalamka ay u furan tahay oo keliya inay dalbadaan in kaalmo bini-aadanimo ka geystaan xaalada ka taagan Itoobiya, xili ay sheegtay xukuumadiisu inay soo af-meertay dagaalka Tigrey-ga.

Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya ay dalalka beesha caalamka ka dalban doonto caawimo oo keliya, haddii ay u baahato xukuumadiisu, inkasta oo ay xiligan awood buuxda u leedahay, sida uu hadalka u dhigay.

“In loo qaato in dowladdu aysan fulin karin baaritaannada ceynkan ah waxa ay tahay hoos u dhigidda xukuumadda” ayuu yiri Redwan Hussein oo ka biyo diiday dalabaadka dalalka saaxiibka la ah Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa hore u diiday waxay ugu yeertay “fara-gelin shisheeye”, taasi oo ay kaga soo horjeedo dadaalada ay dalalka deriska uga qeyb qaadanayaan xiisada Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si weyn u cakirneed iyo soo bandhigida xaqiiqada dagaalkaas oo soday muddo toddobaadyo ah.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xili ay Itoobiya wajaheyso cadaadisyo caalami ah oo ku aadan in si hufan loo baaro dagaalka ay xukuumadda ku qaaday maamulka TPLF, kaasi oo la rumeysan yahay inay ku dhinteen boqolaal dad rayid ah.