Cabdicasiis Lafta-gareen oo hanjabaad culus u diray qaar ka mid ah ciidamada…

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in marnaba loo dulqaadan doonin Askarta amar diidada ku sameysa Saraakiisha ka sareysa.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Qalabka-sida ay noqdaan kuwa anshaxa Ciidamannimo ilaaliyo, islamarkaana isku ixtiraama sida ay u kala darajo sareeyan.

Lafta-gareen ayaa shaaciyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Askarta ku dhaqaaqda arrintaas, maadama ay dhowr jeer dhacday in ciidamada qaar ka hor-yimaadan amarada Saraakiisha ka sareysa.

“Mararka qaar waxaa dhacdo in askarta ay amar diido ku sameeyaan Saraakiisha ka sareeysa, taasi oo aan loo baahneyn. Waa in aan marnaba laga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale waxa uu ciidamada qalabka sida uga digay inay ka mashquulan waajibaadkodo ku aadan la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay xoojiyaan dagaalka qaraar ee ay kula jiraan Al-Shabaab iyo xoogaga kale.

Hadalka madaxweyne Lafta-gareen ayaa imaanaya xili uu deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ciidamadu ka wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo qeyb ka ah howl-galo ay ciidamadu ku sifeynayaan deegaanada maamulada dalka.