Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka Deni iyo ciidanka PSF

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka PSF ee Puntland iyo hoggaamiyaha maamulkaas Saciid Deni ayaa weli qoorta isugu jira kadib xil ka qaadistii uu ku sameeyey Taliyaha ciidamadaas.

Sacidi Deni oo uu damac kaga jiro 16-ka kursi ee taalo Boosaaso ayaa u dhaqaaqay isbadal uu la damcay hey’adaan ayaa illaa iyo hadda shaqeyn la’a.

Ciidankaan ayaa dhawaan gudaha u galay Magaalada Boosaaso, waana ciidamo ka badan 3 Kun oo Askari, waxaana loo diyaariyey inay ka hor tagaan halista culus, gaar ahaan duulaanka Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ma fadhiso, ciidan badan ayuuna Saciid Deni dhankiisa geeyey. Shalay waxaa halkaas tagay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan iyo taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland.

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteyn ayaa u badnaa eedeyn ku wajahan hoggaanka ciidanka PSF, waxay u muuqdeyn niman raba inay qariyaan damaca Deni ee 16-ka kursi ee taalo Magaalada  Boosaaso haddana qarin la’ duulaanka ay u socdaan.

Saraakiil ka tirsan PSF oo shirka wasiir Gallan kadib iyaguna shir ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa iska fogeeyey dhammaan eedaha loo soo jeediyey.

Waxay mar kale ku celiyeen inay qaadaceyn isbadalka uu Deni iclaamiyey iyo xil wareejinta uu Gallad u tagay Magaalada Boosaaso.

Ciidanka waxay dib u iftiimiyeen abaalka ay deegaanka ku leeyihiin iyo shaqada ay Har iyo Habeen hayaan. Waxay iska dafireen eedeynta ku saabsan inaysan helin dalacaad.

Waxay sheegeyn in xukuumadihii Gaas iyo middii Faroole inay labaduba dalacsiiyeen ciidankaas, taasoo si kale u muujisay in tan iyo markii Saciid Deni xilka madaxtinimada kaga adkaaday Asad Diyaano in wixii markaas ka dambeeyey uu iska xiray Albaabada PSF.

Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalo Magaalada Boosaaso oo Golaha Shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidaka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan booby karin kuraastaas.

Sida kaliya ee uu PSF ku qabsan karo waa inuu Ilmo Diyaano meesha ka bixiyo ayey leeyihiin dadka Reer Puntland . Ciidankaan waxaa madax u ahaan jiray Cusmaan Diyaano kadibna waxaa la wareegay wiilkiisa Asad kadibna waxaa badalay walaalkiis Maxamuud.

11 Sano oo waayo aragnimo ah ayey leeyihiin ciidankaan, waxaana la xasuustaa in doorashadii Federaalka ee sanadkii 2016 inay qaar kusoo baxeyn dad uusan rabin hoggaamiyihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Maxamed Cali Gaas, waxaana sababta lagu sheegay in ciidanka PSF ay diideyn in la boobo kuraasta Beelaha, waxaana la rumeysan yahay in sidaas oo kale ay sanadkaan diidi doonaan in kuraas la boobo.