Maareeye oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Cali Yare

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay ayaa aad u dhaliilay abaabulka guddoomiye ku xigeenka dhanka amiga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali Yare Cali ee ka dhanka ah Boqor Cusmaan Aw Maxmuud Buurmadow, “Boqorkani waa mid nabadeed, ma ahan nin looga shakisan yahay waxyaabaha aad ku jaa’ifeyneysaan,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in wax laga taban karo hadalladii Boqorka ka soo yeeray, balse ay aad uga xumaadeen qaabka loo fasiray hadalkiisa, “Waxaad moodaa dadka qaar oo uu ka mid yahay guddoomiyaha amniga gobolka, in hab siyaasadeysan, qorsheysan, abaabulan oo fan-gareysan ay howshaan u wataan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu maanta raali gelin ka bixiyey hadalladii la dhibsaday, balse aad u moodo in laga shaqeynayo in la baabi’iyo oo arrimo siyaasadeed looga faa’iideysto xumeynta xiriirka beelaha Muqdisho iyo kuwa waqooyi.

“Waxaan ka digeynaa in tacadi dambe sharafta Boqorkeena loo geysto, siyaasadaha jira iyo doorashooyinka dano laga leeyahay yaan la idinku qaldin, dhaqanka iyo siyaasiyiinta Muqdisho, gaar ahaan kuwii aan xalay ka dareenay inay hab kooxeed u abaabulan yihiin nagama qabato waxa ay noo geysteen,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray in siyaasiyiintii weeraray Boqor Buurmadow ay u badnaayeen hal beel, “Wanaag ayaan u heynaa walaalaheen iyo dowladda aan ka tirsanahay, waan amaaneynaa sidii walaalaheena reer Muqdisho ay u soo dhaqeeyeen Boqorka,” ayuu yiri.

Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Laakiin ninka xun ee magaca dowladda ku qaraabanaya waa in umadda laga qabto.”

Guddoomiye Cali Yare oo aad uga hadlayey arrinta Boqor Buurmadow ayaa ku goodiyey in la xiri doono Boqor Buurmadow, isagoo ku eedeynaya in Shabaab oo cadaw ku ah dadka Soomaaliyeed uu dowlad ku tilmaamay.

Hoos ka daawo Maareeye