Wararkii ugu dambeeyey doorashada golaha shacabka

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa ku dhowaaqay doorashada illaa 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kuraasta la shaaciyey oo dhowaan la qabanayo doorashadooda ayaa kala ah: HOP023, HOP 029, HOP 072, HOP 079, HOP 092, HOP 112, HOP 124, HOP 127, HOP 130, HOP 132, HOP 133, HOP 136 iyo HOP 219.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ka baahin doono jadwalka doorashada kuraastaan iyo sida ay u kala horreeyaan.

“Waxaa dib kasoo sheegi doonaa jadwalka iyo kala horreynta kuraasta kor ku xusan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga doorashada ee Jubbaland.

Tallaabada ay Jubbaland u qaaday doorashada ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii siyaasadeed ay dhowaan Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Muqdisho.

Yaa ku fadhiya kuraasta 13-ka ah ee la shaaciyey?

1-HOP023 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cali Maxamed Muuse

2-HOP 029 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Liibaan Cusmaan Cabdiraxmaan

3-HOP 072 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamed Xiddig

4-HOP 079 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Farxiya Xasan Axmed

5-HOP 092 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Siraaji

6-HOP 112 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed (Xukun)

7-HOP 124 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdullaahi Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere)

8-HOP 127waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cali Cismaan Xirsi

9-HOP 130 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Diiriye Khaliif

10-HOP 132 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ibraahim Maxamed Xuseen Buulle

11-HOP 133 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Luul Cabdi Aadan

12-HOP 136 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey oo geeriyooday AUN Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo

13-HOP 219 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdifataax Maxamed Cali.