Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada KURAASTA HOP#063 iyo HOP#011

BELEDWEYNE (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraasta HOP#063 iyo HOP#011 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo uu shalay ku yimid dib u dhac.

Kuraastan oo isha aad loogu hayo ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadda federaalka iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna ah wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada lagu bilaabay kursiga uu ku fadhiyo Goodax Barre ee HOP#063, waxaana ku tartami doono 9 musharrax oo isku diiwaan-geliyey tartanka.

Tani ayaa muujineyso in Cabdullaahi Goodax Barre oo sanado ku fadhiyey kursigan uu wajahayo loolan adag, iyadoo uu soo bixi doono qofka ay u codeeyaan ergada oo 101 ah.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#011 ayaa isna waxaa ku tarmayaa musharrax Maxamed Cumar Maxamed iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga gudaha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Beledweyne, si loo xaqiijinayo amniga inta ay socoto doorashada.

Beledweyne ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa muran la xiriira doorashada, kaas oo dib u dhigay in lasoo gabagabeeyo kuraasta taalla magaaladaasi.