Xildhibaano horleh oo qaatay shahaadada + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalinta saddexaad ka socota diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Guddiga FEIT ayaa maanta shahaadada siiyey dhowr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa isugu jiro labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana lagu soo doortay dowlad goboleedyada dalka.

Qorshaha ayaa ah in 14-ka bishan April la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub, si kadib loo aado doorashada guddoonka labada Aqal ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa ka taagan muran ka dhashay shahaado siinta xildhibaanada cusub, kaasoo u dhexeeyo Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

  1. Ibrahim Awgab Osman AS#006
  2. Hassan Idow Mohamed A#022
  3. Nor Mohamed Gedi AS#001
  4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
  5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
  6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
  7. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
  8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#066