Hoyga Sheekh Shariif oo uu ka socdo olole is dul saaran

Muqdisho (Caasimaa Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii shalay dib ugu soo laabtay magaaladaMuqdisho kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Soo laabashada Shariif oo kusoo beegantay seddax maalin kadib dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa kadib waxaa xalay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ka billowday dhaqdhaqaaq iyo olole ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanada cusub ee dhawaan la dhaariyay, kuwasi oo u diyaar garoobayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Sheekh Shariif ayaa hoygiisa afur ugu sameeyay tiro xildhibaano ah, waxaana ay xildhibaanada la shiray Shariifka ay isku raaceen inay u midoobaan sidii ay u siin lahaayeen murashaxa ay Sheekh Shariif iyo mucaaradka wadaan ee Sheekh Aadan Madoobe.

Shariif iyo xubno ka tirsan mucaaradka waxay ka mideysan yihiin inay ku taageeraan codkooda Sheekh Aadan Madoobe oo u sharaxan guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana xilkan horey usoo qabtay iyo Cabdi Xaashi oo Aqalka Sare ay la doonayaan mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Dhinaca kale, kulamadaasi ayaa waxaa barbar socday ololaha murashaxnimada Shariifka ee madaxweynaha soo socda.

Xildhibaanada isugu tegay hoyga Shariifka ayaa qaarkood loo badinayay inay u janjeeraan dhinaca Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood deegaan doorashadooda aheyd Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo Shariifka lagu tiriyo badankooda.

Sheekh Shariif oo ilaa iyo hadda loo arko murashax taageero heysto oo la tartami karo Farmaajo ayaa sidoo kale kooxda taageerta Villa Somalia waxay u arkaan murashax macquul ah oo ka duwan murashaxiinta kale marka laga hadlaayo mucaaradka, waxayna ku tilmaamaan inuu yahay Plan-B oo ay ula jeedaan inay taageerayaan haddii uu guuldareysto Farmaajo.