Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada HOP#141, HOP#146 iyo HOP135

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo maanta la qabto doorashadooda, sida uu horey u shaaciyey guddiga SEIT ee maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#141, HOP#146 oo labadooduba deegaan doorashadoodu tahay Jowhar iyo kursiga kale ee HOP#135 oo deegaan doorashadiisu aheyd Beeldweyn balse hadda loo soo wareejiyey caasimada magaalada  Jowhar.

HOP#141 waxaa ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaas oo haatan wajahaya loolan adag.

Sidoo kale HOP#146 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, balse 4 sano ee soo socota waxaa kursigan lagu sharfay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la filayo inuu kusoo baxay kursigaasi.

HOP#135 waxaa ku fadhisay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhowaan iyada oo musharrax aheyd lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

Ammaanka Jowhar ayaa sidoo kale la adkeeyey, inkastoo xalay askar galbineysay Col. Saney lagu laayey qarax ka dhacay duleedka Balcad, xilli ay ku socdeen caasimada HirShabelle, si ay qayb uga noqdaaan sugida amniga doorashadaasi.

Kuraastan oo aad loola daahay doorashadooda ayaa waxaa sabab looga dhigay khilaafaad in muddo ah ka taagnaa sida loo wajahayo hannaanka qabashada ee doorashadaasi.