Guddiga doorashada ee KENYA oo laba u kala jabay

Nairobi (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada dalka Kenya oo shir jaraa’id oo lama filaan ku qabtay hotelka Serena ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inaysan qaadan doonin lahaanshaha natiijada uu ku dhawaaqi doono guddoomiye Wafula Chebukati.

Xubnaha guddiga oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera, komishanka Francis  Wanderi, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya ayaa si cad u sheegay in natiijada dooraahada ay ku timid qaab mugdi ah.

Xubnaha guddiga ayaa diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta ay u diidan yihiin natiijada doorashada ee la filayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo.

“Ma joogno Bomas sababtoo ah ma qaadan karno lahaanshaha natiijooyinka lagu dhawaaqi doono,” ayey tiri  Ms Cherera.

Go’aanka kasoo baxay qaar kamid ah guddiga doorashada dalka Kenya ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu Raila Odinga diiday inay kasoo qeybgalo xafladda looga dhawaaqayo natiijada doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan inuu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta.

Madaxa ololaha Raila Odinga, Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisa ay awoodi waayeen inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan weydiisan doonin musharaxooda inuu yimaado xarunta.