Maxaa ka dhex socda DF Soomaaliiya iyo Sacuudiga?

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmihii dambe booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiir Jaamac ayaa waxa uu magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca dalkaas Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Kulanka wasiirrada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay u sameysan lahaayeen iskaashi dhanka difaacada iyo amniga, oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudi Carabiya Juun 3, 2023-ka, isaga oo kulamo kala duwa la yeeshay hoggaanka ciidanka Boqortooyada.

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa booqasho ku tagay kuliyadda hoggaaminta ciidanka qalabka sida iyo hay’adda qaran ee Cyber Security-tiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Ujeedka booqashada hay’adahaan wuxuu ahaa ka dhuuxista khibradda boqortooyada aan walaalaha nahay ka gaartay tacliinta sare ee xiriirka la leh arrimaha ciidanka iyo ka hortagga khataraha ay xambaarsan tahay teknaloojiyadda isgaarsiinta casriga ah,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili.

Kulankan ayay labada masuul uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.