Dowladda oo baaris ku haysa shirkado dhowr ah + Arrinta ay ku kaceen ee loo haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira qaar kamid ah shirkadaha la siiyay bixinta adeegga Xajka ee sanadkaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah shirkadahaasi ay dadka ka qaadeen lacago ka badan tii ay hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu baaris ku wadaa shirkado kamid ah kuwa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay siisay adeega Xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamad ay horgeyn doonto shirkadahaasi iyo shaqsiyaadka iska leh, kadib marka ay soo dhamaato baarista uu ku hayo, ee salka ku haysa ku xad-gudubka qiimaha xujeyda laga qaadayo ee hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan shirkado ku kacay arrintaan oo kale, “Muwaadinka la weydiisto lacag ka badan kuwa Wasaaraddu jaangoysay haku soo wargaliyo xafiiska.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraanta bishii hore ee May shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay.

Dowladda ayaa sidoo kale xilligaas ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Si kastaba, Qiimaha sanadkaan ay dadka Soomaaliya ugu xajinayaan ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar.