DAAWO: Maxaa ka soo kordhay xiisada Baraawe?

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu dambeyntii la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray magaallo xeebeedkaaasi.

Xubnaha ku sugan Baraawe waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada iyo wasiirka wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo xal raadin u tagay magaaladaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan billowday baaris ku aadan dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, waxaana sidoo kale maxkamadda iyo mas’uuliyiinta kaleba ay ku guuleysteen in la kala qaado labada ciidan.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday inay ku kalsoonyihiin maxkamadda, balse waxa uu dalbaday in wixii ka dhacay Baraawe la waafajiyo sharciga, si tallaabo adag looga qaadi ciidamadii ka dambeeyay.

“Aniga oo ku hadlaayo afka madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaan kalsooni ku qabnaa aana rabnaa, isla-markaana aan sugeynaa cadaaladda in la waafajiyo wixii halkan ka dhacay” ayuu yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhankiisa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in la buun buuniyay wixii ka dhacay Baraawe, wuxuuna tilmaamay in isku dhaca uu ahaa labada ciidan, balse la siyaasadeeyay, ayada oo dano kale oo waa weyn laga leeyahay.

“Waxa meeshaan ka dhacay dadka bannaanka ka qaylinaya waxa ay sheegayaan maba aha waa laba ciidan oo isku dhacay waayay macnaha labadaas ciidan xaajadooda xeer ilaaliyeyaasha ayaa ku mashquulsan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaris guud, isla-markaana marka ay soo dhamaato ay qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah.

‘Marka ay baarista dhammaato waxaan ballan qaadeynaa inaan tallaab qaadi doono oo ciddii reer Baraawe xabadda ku ridday iyo ciddii sababta u aheyd inaan qof kasto dambigiisa dusha ka saarno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda.

Waxaa kale oo uu yiri “Qofka dambi galo isagaa galay ee ma gelin kooxda iyo reerka uu ka soo jeedo, marka saraakiisha iyagaa ka rabnaa in askarigii dhib geysta ay keenaan”.