Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Somalia iyo Jabuuti?

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beene-beene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Wasiir Maxamuud Beene-Beene ayaa waxa uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Ilyas M. Dawaleh.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasi oo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama danbeys ah.

Sidoo kale waxaa kulanka labada masuul looga hadlay xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Wasiir Maxamuud Beene-Beene ayaa uga mahad-celiyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta uu u fidiyay isaga iyo wafdigiisa.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS (Ex-AMISOM).

Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay halganka shacabka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-Shabaab.