MUUSE BIIXI oo hanjabaad culus diray kadib dilkii abwaan Jaamac Kadiye Cilmi

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa diray hanjabaad culus oo ku aadan xasaradaha weli ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo buurta Gacan-Libaax.

Muuse Biixi ayaa ku hanjabay in ay la dagaalami doonaan cid kasta oo kasoo horjeeda horumarka Somaliland, isla-markaana ay difaaci doonaan qaranimadooda iyo jiritaankooda.

“Haddii ay tahay inaynu noqono qaran jira oo caalamka ku fida naga duwi maayo dagaal kasta oo nalala galo, horumarkeena dhaqaale iyo inaan Umaddeena kor u qaadno inaga duwi maayo, cid kasta oo isku deydana waan iska celineynaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in cid kasta oo kasoo laabato khaladka ka dhacay ay la geli doonaan wada-hadal, si xaaladaha taagan looga gudbo.

“Cid kasta oo khilaafka iyo dhibaatada halkaa ka timid ay khalad uga dhacday ama faham darro kasoo noqoneyso oo u baahan in laga wada hadlana diyaar baan u nahay oo nabad lagu xalliyo wax weliba” ayuu mar kale yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Mar walba waayo arag baan u nahay haddii ay dhibaato dhacdo inaan lasii kordhin oo halkeeda lagu qabto, intii suuragal ah, laakiin qofkii dhibaatada wadaa haddii looga taag waayo inta kale fidneyn maayee waa la’iska qaban”.

Hanjabaada kasoo baxday madaxweyne Muuse Biixi ayaa kusoo aaday, xilli ay shalay Somaliland magaalada Laascaanood ku dishay AUN Abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye, kaas oo ku geeriyooda madaafiic ay ciidamadooda ku gaareen bartamaha magaaladaasi.

Si kastaba, hadalkan ayaa sidoo kale imaanaya xilli haatan Somaliland ay dagaallo uga furan yihiin Laascaanood iyo buurta Gacan-Libaax oo jabhad cusub looga dhawaaqay.